Faalada Jamcada– Madaxweyne Dani waa Hogaamiye Qaran, Garowe daawo maanta

Caleema saarka Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani waxay muujisay Meeqaamka uu siyaasada Soomaaliya ka ciyaarayo Hogaamiyaha curdanka ah ee Puntland.

Maalmihii la soo dhaafay wuxuu Madaxweyne Dani uu soo qaatay Qalinkisa si uu u qoro liiska Shaqsiyaadka uu ku casumay Caleema saarkiisa, kadibna wuxuu Casumaad u diray martidiisa uu ku casumay Xaflada Balaaran ee sabtida 26 Janaayo 2019 ka dhacaysa Caasimada Puntland.

Dhamaan intuu casumay way aqbaleen badankooduna maanta oo jamce ah ayay yimaadeen Garowe.

Xaflada waa caleemo saar laakiin dhinaca kalena waa Shirweyne Qaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Dani.

Inkastoo Puntland ay ka afeefteen in uusan Caleema saarku uusan ahayn madal Siyaasad looga hadlayo hada xaqiiqda waxaa lagu gorfeynayaa Siyaasada Soomaaliya.

Qaranimadu ma ah wax afka laga sheegsheego ama meel lagu xariiqo,Qaranimada Soomaaliya waa guud ahaan Dhulka Soomaaliya, meesha kaliya ee maanta ay Soomaali isugu timid waa Garowe,iyadoon aysan jirin gacan shisheeye (Beesha caalamka) oo isu keentay, Hadii Beesha Caalamku isu keenaysana waligeedna caan bey ku ahayd (Garowe 1 iyo Garowe 2),

Madaxweyne Dani wuxuu isagoon gacan shisheeye uusan kaashan uu Garowe gogol ugu dhigey Dhamaan siyaasiyiinta kala matala Qaybaha Soomaaliya, waa sidaas daliisha lagu garti Hogaamiye Qaran.

Kooxaha Mucaaradka iyo Muxaafadka cidi kama maqnaanayso beri, waa la is arkayaa, waa lawada fariisanayaa, Siyaasadana miiskaa lasoo saarayaa. Marka la khudbeynayana waa la isku dhaga hadlayaa oo nin walbaa khudbadiisu waa soo diyaarsadey.

Puntlandi.com
Garowe