DEG-DEG:- Madaxweynayaasha Jubaland oo Garowe kasoo dagay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Garowe u yimid ka qayb galka caleemo saarka madaxweynaha dowladda Puntland.

Dhinaca kale, waxaa soo socda  siyaasiyiin culus oo ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, guddoomiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo masuuliyiin kale.

Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa aad u mashquul ah, iyadoo ammaankiisa aad loo adkeeyay.

Warsidaha Puntlandi wuxuu si joogto idinkugusoo gudbindoonaa muuqaalada iyo sawirada wafuuda.

<