DEG-DEG: Wafdi culus oo ka socda dowladda federalka Soomaaliya oo Garowe hadda kasoo dagay

Wafdi ka socda dowladda federalka Soomaaliya oo isugu jira golaha wasiiradda iyo saraakiil ciidan ayaa goor dhowayd kasoo dagay magaalada Garowe, iyagoo hordhac u ah wafuuda madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya oo la filayo inuu maalinta berito ah uu kasoo dago Garowe.

Wafdigaan oo ah midkii ugu balaarna  waxaa kamid ah, wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh, Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, wsiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, Khadiijo Maxamed Diiriye taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya General Bashiir Ameerika iyo masuuliiyiin kale.

Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay wasiiradda iyo saraakiisha dhigooda ah, sida wasiirka waxbarashada Puntland, wasiirka dastuurka Puntland iyo saraakiisha ciidanka.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

<