Mucaaradka Kenya oo dowladda ugu baaqay in ciidamadeeda ay kala soo baxaan Soomaaliya

Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka Kenya Moses Wetangula ayaa waxa uu walaac ka muujiyay howlgalka ciidamada  Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya .

 

Waxa uu sheegay in madaxweynaha dalka Kenya looga baahan yahay in ciidamada ka jooga Soomaaliya uu ka soo saaro dalkaasi , maadaama amaankii gudaha dalkiisa uu sii xumaanayo , Al-shabaabna weeraro qaraxyo ah ay ka gaysanayaan magaalada Nayroobi.

 

Moses Wetangula ayaa nasiib daro ku tilmaamay in ragii fuliyay weerarkii Nayroobi ay yihiin dhalinyaro u dhalatay isla dalka Kenya oo shabaab ka tirsanaa.

Hadalkan ayuu sheegay xili uu warasi gaar ah siinayay wargaska ka soo baxa dalkaasi Kenya .

Dhanka kale  waxaa maanta dib loo dhigay dacwadii loo haystay shan qof oo lala xiriirinayay weerarkii Jaamacada Gaarisa ee Afar sano ka hore ,weerar kaas oo ay ku dhinteen 148 qof.

<