(Dhegayso)+Sawriro) Hay’ada Taya-dhowrka Puntland oo Bosaaso ku gubtay Badeecado dhacay

Hay’ada Tayadhorka badeecadaha Punland ayaa maanta duleedka magaalada Bosaaso waxa ay ku gubtay Timir waxqtigii loogu tala galay dhaaftay, taas oo laga soo qabtay mid kamid ah Bakhaarada raashinka ee ku yaal Suuqa wayn ee magaalada Bosaaso .

Timirtan oo ka koobnayd laba kun shan boqol sodon iyo shan kartoon, ayaa masuliyiinta hay’ada tayadhowrka Puntland waxay sheegeen in ay ku daba joogaan badeecado kale oo la sheegay in waqtigii loogu talagalay ay dhaceen oo suuqa kujirta .

Cabdicasiis Caydiid Xirsi oo ah madaxa qeybta gancsiga  ee hay’ada taya dhawrka Puntland oo Warbaahinta kula hadlay goobtii lagu gubayay Timirtan ayaa sheegay in hay,ada markasta ay u taagantahay sidii ay ugu adeegi lahayd shacabka Puntland,ugana hor tagi lahayd  badeecad kasta oo dhacday  oo dalka si dhuumaalaysi ah loo soo galiyo .

Waxa u sheegay in sidan oo kale  badeecado dhacay ay ku soo guben duleedka magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland .

Salaad Adan Maxamed Agasimaha Guud ee hay’ada tayadhowrka Punland ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in ay adgtay in badeecad dhacday  laga so dajiyo dekeda magaalada Bosaaso ,isagoo ganacsatada uga digay in aysan keenin wax aan tayo lahayn .

 

Halkan ka dhegayso.

 

<