
Gudoomiyaha gobolka Garad Fuu ee Puntland Maxamuud Axmed Caynab oo maanta waraysi dhinacyo badan taabanayay siiyay warsidaha Puntlandi.com xafiiskiisa Bosaaso ,ayaa waxa uu uga hadlay baahiyaha gobolka ka jirta , wado la,aanta haysata dadka ku dhaqan gobolkaasi oo uu eebe kumanaystay kheyaarka kala duwan ,sida Beeyada Fooxa , Maydiga iyo Kaluunka .
Gudoomiyaha ayaa sidookale waxa uu ka hadlay jariifka lagu hayo xeebaha gobolkaasi ,isagoo sheegay in ay ka faa,iidaysanayaan xiliga kala guurka ah ee ay dowladda Puntland ku jirto.
Waxa uu sheegay Guddoomiyah in dhawaan degmada ay soo gaareen wafdi ka socday dowladda Puntland kuwaas oo u kuurgalayay xaalada gobolka ,iyagoona balan qaaday in mashaariic horumarineed laga hir galin doono gobolka .
Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid C/laahi Deni ayuu ugu baaqay in safarkiisa ugu horeeya uu ku tago gobolka Garda Fuu ,si uu u soo ogaado xaalada dhabta ah ee ka jirta .
Halkan ka dhegayso , waraysiga oo dhamaystiran.