DEG-DEG: General Cabdullaahi Cali Mire (Careys) oo geeriyooday.

Waxaa maanta magaalada Garowe ku geeriyooday allaha unaxariistee, General Cabdullaahi Cali Mire (Careys) oo horey usoo noqday taliyihii ciidamada Difaaca Puntland, kana mid ahaa saraakiisha aqoonta durugsan u lahaa arrimaha ciidamada.

Wuxuu kamid ahaa Jeneraalada ciidan ee ixtiraamka iyo qadarinta weyn ku lahaa Puntland iyo guud ahaan
Soomaaliya. Waxaa la sheegay inay qadarta Eebe u geeriyooday islamarkaana uu xanuunsanaa.

Generalka ayaa waayadii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Garowe, isagoo lagu xasuusto inuu talooyin siiyay murashixiintii madaxtinimada Puntland.

Puntlandi.com

<