Dagaalame Shabab.” Waxaan la kulmay mid kamid ah raggii weeraray Dusit.

Dagaalame horey uga tirsanaan jiray Alshabaab, ayaa shaaciyay inuu la kulmay mid kamid ah raggii weeraray Dusit, todobo sano kahor.

Ninkaan oo la hadlay CNN, ayaa sheegay inuu la kulmay Ali Salim Gichunge alias Farouk, oo katirsanaa qeybta amniyaadka Alshabab, xilli uu ku sugnaa magaalada Baydhabo.

Gichunge ayaa la aamisan yahay inuu ku dhintay weerarkii todobaadkii hore, isagoo qeyb ka ahaa maleyshiyo katirsan Alshabab oo weeraray dhisme lagu magacaabo Duist oo kuyaala Nairobi.

Weerarkaas oo lasoo afjaray 20 saac kadib, ayaa ka tagay 21 dhimasho.

“Waan Shoogay, markaan Kaamiro CCTV ka dhex arkay Gichunge,” ayuu yidhi ninkaan dhalinyarada ah oo wareysi siinayay CNN. CNN ma sheegin aqoonsiga la wareystaha sababo la xiriira ammaankiisa.

Puntlandi.com