Madaxweyne Farmaajo oo kasoo qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wadfiga madaxweynuhu hogaaminayo ayaa ka qeyb galidoona xaflada caleemo saarka madaxweynaha dowladda Puntland, Dr, Siciid Cabdulaahi Deni, taasoo dhicidoonta 26-ka bishaan January.

Waxaa kale oo kasoo qeybgalidoona wafuud kala duwan oo kala socota aqalada barlamaanka, madaxda dowlad goboleedyada, mucaaradka dowladda iyo beesha caalamka.

Ammaanka caasimada Puntland ayaa sare loo qaaday amnigeeda, iyadoo dowladdu masuuliyad gaar ah iska saaraysa sugida amniga masuuliyiinta iyo marti sharafta lagu marti qaaday caleemo saarka.

Puntlandi.com

 

 

 

 

 

 

 

<