Guddiga amniga Puntland oo digniin culus udiray gaadiidka aqoonsi la’aanta iyo askarta hubaysan.

Guddiga amniga Puntland oo hadda shir jaraa’id ku leh Garowe. ayaa digniin culus udiray gaadiidka dolwadda ee  taargo la’aanta ah iyo ciidamada magaalada hubka la dhex wareegaya.

Wasiirka amniga Puntland, Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad ayaa sheegay laga bilaabo caawo in uu bilaabandoono howlgal cusub oo lagula dagaalamayo gaadiidka aqoonsi la’aanta ah iyo askarta hubaysan, wuxuuna sheegay guddigu amnigu inuu la wareegidoono gaadiidka iyo hubka sharci darrada ah.

Wasiirka amnigu waxaa kale oo uu ka digay gaadiidka looga tago hotelada hortooda, taasoo loo adeegsan karo qataro amni, wuxuuna sheegay in tilaabo laga qaado cidii gaadiidkeeda dhigata meelaha aan loo ogolayn.

Puntlandi.com

 

 

<