DEG DEG:- Barlamaanka dowladda Puntland oo madaxweyne Deni u kordhiyay waqtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa xukuumada

Madaxweynaha Cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa goor dhowayd hortagay xildhibaanada Baarlamanka Puntland isagoo u gudbiyay codsi uu ku saabsan in muddo kordhin lagu sameeyo wakhtiga uu ku soo magacaabayo golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaana codsaday in muddo 14 cisho ah loogu daro Wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadiisa.

Baarlamaanka dowladda Puntlad ayaa cod aqbaliyad leh ku aqbalay codsiga madaxweynaha.

29-ka Bishaan ayaa la qorsheynayay inuu shaaciyo Golahiisa cusub ee Wasiirada.

<