Ciyaaryahan ay kooxda Cardif soo iibsadeen oo Diyaaraduu saaraa la weysan yahay, sawiro

Ciyaaryahanka Reer Argentina Emiliano Sala oo u ciyaarayay Kooxda Nantes ee France ayaa Kooxda kubada cagta ee Cardif ay dhowaan kusoo iibsadeen lacag farabadan.

Diyaarad yar oo uu kasoo raacay Magaalada Nanges ee Dalka Faransiiska kuna sii jeeday Magaalada Cardif ayaa tan la weysan yahay waxaana loo badinayaa iney ku burburtay Kanaalka biyaha ee u dhexeeha Faransiiska iyo Ingiriiska (Channel Islands)

Diyaatada waxaa saaraa isaga iyo Duuliyaha oo qura.

Madaxa u sareeya Kooxda Cardif Ken Choo oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay iney ka naxeen markay maqleen warka ku saabsan in la waysan yahay Diyaaraduu saaraa Emiliano, wuxuu kaloo yiri ‘ Waxaan sugayney Emiliano inuu xalay (isniin) uu yimaado Cardif, maanta oo talaado ahna ay noqoto maalintiisa kowaad ee uu kooxda kusoo biiro.’

Cardiff City CEO Ken Choo said: “We were very shocked upon hearing the news that the plane had gone missing. We expected Emiliano to arrive last night into Cardiff and today was due to be his first day with the team.

Ciyaaryahankaan la waysan yahay ayaa ah ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee ay kooxda Cardif oo ka ciyaarta Horyaalka Ingiriiska ay soo iibsadaan.

Bilayska Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa caawa oo isniin ah waxay hakiyeen baadi goobka Diyaarada,waxayna dib u bilaabayAb beri oo Talaado ah.