Caleema Saarka Madaxweyne Dani waxay noqon doontaa mid wajiyo isdiidan kulmin doonaan

Madaxseynaha Dowlada Puntland ayaa loo qabanayaa Xafladii ay dhaqanka u lahayd Puntland ee lagu caleema saaro Madaxweynaha Ku guulaysta Doorashada.
Waana dhaqan ay Puntland leedahay in Xaflada lagu casumo wajiyo kala duwan oo matala qaybaha kala Duwan ee Bulshada Soomaamiyeed, Waxgarad,Siyaasiyiin,Aqoon yahano, Dadka Caanka ah, Aqoon yahano iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, cidna lagama tago.

Xaflada toogadaan waa mid xiiso gaara leh, Madaxweyne Dani Wuxuu xafladiisa ku casumay Masuuliyiin taa faraha badan oo uu u arko iney yihiin marti kala qayb gali kara xafladaan taariikhiga ah.

Madasha waxaa isugu iman doona Siyasiyiin is diidan oo Muqdisho ka iman doona, waxaa kala hogaaminaya Garabka Nolol iyo Nabad oo Madaxweyne Farmaajo hor kacayo iyo Garabka Mucaaradka aan hubeysney oo ay wada hogaaminayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa isna meesha aan ka maqnaan doonin Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweyne Dani labadaan kooxood wuxuu u arkaa iney yihiin Masuuliyiin Soomaaliyeed oo kala matala qaybaha Bulshada Soomaaliyeed, Dabcan Madaxweyne Farmaajo waa masuul Qaran laakiin dhinaca kale wuxuu hormuud u yahay kooxaha Muxaafidka(Xisbiga talada haya) sidaas ayuuna u casumay Laakiin waxaan qarsooneyn oo lagawada dharag san yahay in labadaan kooxood ay habeyn iyo Maalin isku bursadaan dariiqyada Muqdisho, halka taageerayaashooduna ay qaylo,Sawaxan iyo oohin Qaran ay ka wadaan Baraha Bulshada iyo shaashadaha TV-yada ama Youtube-ka

Su’aashu waxay tahay Markii labadaan kooxood la isugu geeyo Madaxtooyada Puntland xaalku muxuu noqon doonaa, miyaanse la oran karin Madaxweyne Dani wuxuu Gurigiisa ku casumay Bisado iyo Jiirar.

Puntlandi.com
Garowe