Kenya oo shaacisay magacyada ragii ka dambeyay weerarkii Hotelka DusitD2

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday rag lagu tuhun san yahay in ay ahaayeen maskaxdii soo Abaabushay weerarkii kadhacay  magaalada Nayroobi gaar ahaan Hotelka DusitD2  13 bishab  Talaadadii aynu soo dhaafnay.

Weerar kan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 30 qof oo ay ku jireen muwaadiniin u dhalatay dalka Mareykanka .

Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada weerar kaasi ,waxayna ay sheegeen in ay ugu aar gudayeen  weerarada dhibtaada ay Israa,iil ay ku hayso shacabka Falastiin.

Dad badan oo falanqeeya arimaha amniga ayaa iswaydiinaya sababta ay Al-shabaab ugu fududahay in ay weeraro noocan oo kale ah ay ka fuliyaan gudaha Kenya ,iyadoo Kenya  xadka ay soomaaliya lawadaago ka dhistay darbi, gudaha Soomaaliyana ay joogaan ciidamadooda.

Akriste su,aalahan iyo kuwo kale ayaa ubaahan jawaabo waafi ah ,ee halkan hoose ka akhriso magacyada raga la raadinayo oo Saxaafada  Kenya loo soo bandhigay .

 

1-Didu Maxamed Fujija “Duktur”,

2- Xuseen Aadan Xuseen “Etto”

3- Qadaafi Munene,

4- Cabdi Cali Kanjora,

5- Boru Cabdi Bidu

6- Ramadaan Waariyo Bonaya “Rasho”.

<