Faalo — Axmed Madoobe wuxuu fahmay Siyaasada, Villa Soomaaliyana wuu ka adkaadey,

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaad moodaa inuu maalmahaan kaar fiican la ciyaaray Dowlada Federaalka ah oo uu isla markaas aad uga adkaadey, iyadoo dhowr jeer oo hore ay isku dayeen Villa Soomaaliya iney khalkhal ka dhex abuuraan Maamulkiisa.

Sanadkii hore wuxuu Axmed Madoobe dhowr jeer uu Garoonka Diyaaradaha Kismaayo uu ka celiyey Saraakiil ciidan oo la doonayay iney tashkiiliyaan lana wareegaan ciidamada ku sugan Jubbaland, tasoo aad moodo in Axmed Madoobe uu duraba fahmey, wuxuuna ku guuleyatey in aysan sinaba usoo galin Jubbaland kooxo ka socda Villa Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu bilaabay inuu Ciidamadii ku magacawnaa Ciidanka Qaranka ee ku sugnaa Jubbaland uu isagu si toosa ulla wareego, iyadoo siyaasad ahaan ay wali huwan yihiin magacii Ciidanka Xooga Dalka, maadaama dhaqaale taas lagu helo.

Ciidankaan iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayuu ku guuleystay inuu isku dhafo isagoo u bixiyey Ciidanka Jubbaland iyo Ciidanka Qaranka, waxaana caiidamaaad tababarkoida gacan ka geysta Dowlada Kenya.

Sanadkaan Bilowgiisiina wuxuu Axmed Madoobe bilaabey inuu safaro ku aado Deegaanada uu isagu kasoo jeedo halkaasoo uu ku booqdey kumanaal Ciidanka Jubbaland ah, wuxuu la kulmay Odoyaasha dhaqanka iyo Saraakiisha ciidanka wuxuuna usoo bandhigay qorshihiisa cusub ee ku aadan qaabka Al-shabaab Dalka looga saarayo, wuxuuna halkaas ku heley soo dhaweyn weyn.

Sida aan wararka hoose ku helayno Deegaanada kale ee uusan wali tagin sida Gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin kooxo aad u taabacsan Villa Soomaaliya ayuua hada abaabul ugu jiraa sidii uu xal siyaasadeed ugu heli lahaa, wuxuuna Axmed Madoobe dhowaan safar arimahaas ku saabsan uu ku tagi doonaa Nairobi.

Kenya iyo Jubbaland

Labadaan dhinac waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah, Dowlada Kenya waxay Ciidan ka joogaan soomaaliya khaasatan Jubbaland, xiriirka ay Kenya la leedahay Jubbaland waa mid ku salaysan in Jiritaanka Jubbaland uu ku xiran yahay Amaanka Kenya, Axmed Madoobena waxay saaxiib dhow yihiin Kenya. Dowlada Kenya waxay qayb libaax ka qaadatay dhismihii Jubbaland oo ay u arkeysay in Amaanka Kenya uu ku xiran yahay Goboladaan (Jubbaland) oo maamul loo sameeyo, taasna durba jawaabteeda way heshey Kenya, waxaa aad u yaraadey weeraradii Argagixisadu kusoo qaadi jirtay xuduuda Kenya tan iyo markii Maamulka Axmed Madoobe uu ka curtay Jubbaland, sidaas awgeed Kenya cidna kama yeelayso in khalkhal Siyaasadeed la galiyo Jubbaland, waana fursada Axmed Madoobe uu ku heli karo Qaab siyaasadeed oo uu isugu keeni karo Gobalada Jubbaland ka kooban tahay.

Qaabkaan uu wajahay Axmed Madoobe waa qaab uu haduu ku guuleysto uu nabad ugusoo dabaali karo Deegaana Jubbaland , waana fursad nabadeed ee u soo hoyatay Dalka aan Dariska nahay ee Kenya oo waayadaan dambe la daalaa dhacaya amaan xumu iyo weeraro joogta ah oo Abaabulan kuwasoo badankooda lagasoo abaabulo deegaanada ay Argagixisadu ka heysato Jubbaland, waana fursada kaliya ee lagula dagaalimi karo laguna cirib tirir karo Al-shabaab, waa hadi Kenya ay taageero buuxda siiso Maamulka Jubbland.

Puntlandi.com
Nairobi