
Hal qof ayaa ku dhintay Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay Maqaaxi cunto oo ku taalay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland .
Sabata daka dhalisaya ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii Nin hubaysan uu xabad ku soo riday mid kamid ah haamaha Gaaska ee cuntada lagu kariyo ,taas oo sababtay in ay qaraxaan haamuhu ,dabkuna uu sidaasi ku sii fiday .
Daminta dabkan ayaa waxaa ku guulaystay dadweynhii u soo gurmaday iyo qaar kamid ah booyadaha biyaha qaada ee ka shaqeeya magaalada .
Maqaaxida ayaa ku taalay meel ku dhaw Masjidka Mowlaca ,waxaana goobta ku bas beelay gobo ganacsi oo ka ag dhawaan Maqaaxida uu dabku ka kacay.
Cidamada amniga ayaa goobta soo gaaray , waxaana la,ogayn sababta Ninkan ku kaliftay in uu xabada ku dhufto haanta Gaaska ee cuntada lagu karsado .
Sanadkii 2017kii daba yaaqadisii ayay ahayd markii sidan oo kale uu dab uga kacay kaalin shidaal oo ku taalay magaalada Garoowe taas oo ay dad ku dhinteen kuwana ay ku dhaawacmeen.
Sawiiro.