Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo magacaabay guddi maamulaya doorashada guddiyada joogtada ah

Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa maanta magacaabay guddiga maamulaya doorashashada Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamanka Puntland ,

Guddigaan magacaabidiisa oo dhowr jeer dib udhacday, ayaa saddex mudane oo kala, xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan Muuse Xasan iyo Xildhibaan Cali Axmed Saalax.

Doorashada Xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa la qabandoono maalinta berri ah, iyadoo udhicidoonta qaab lamid ah doorashooyinkii dhowaan ka dhacay barlamaanka.

Guddiga Joogtada ah waxay ka koobnaan doonaan 10 Mudane iyo saddexda Gudoomiye waxaana xulistooda lagu saleeyaa gobolada Puntland.

Gudigan shaqadoodu waa qabashada howlmaalmeedyada Baarlamanka.

Puntlandi.com

<