(Dhegayso) Go’aankii joojinta canshuurka dhaafka Puntland oo saameeyay gaadiidka xamuulka qaada

Go’aankii dhawaan lagu mamnuucayay canshuurka dhaafka loo sameyn jiray hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa dowliga ah ee kasoo baxay madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa si aan ku talo gal ahayn u saameeyay gaadiidka xamuulka qaado ee isaga goosha Puntland

In ka badan 100 gaadiid ah ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku xayirnaa degmada Xarfo, kadib markii laamaha canshuuruhu ku amreen inay fuliyaan awaamiirta madaxweynaha kasoo baxay oo ah inay bixiyaan lacago canshuur ah oo horey loogu dhaafi jiray.

Hase ahaatee, maalintii shalay ayaa ciidanka booliisku sheegeen inuu dhacay qalad iyo ismaandhaaf, iyagoo sheegay inaanayn amarka madaxweynaha quseynin gaadiidka xamuulka, kuwaas oo aan horeyba loo sameyn jiray canshuur dhaaf ah, sida uu Puntlandi u sheegay Cali Ibraahim Cumar.

Halkaan ka dhegayso.

Puntlandi.com

<