Warssidaha Puntlandi oo helay macluumaad ku saabsan weerarkii Nairobi

Warsidaha Puntlandi wuxuu halkaan idin kugusoo gudbinayaa macluumaad ku saabsan weerarkii magaalada Nairobi dhacay maalintii talaadada ee todobaadkii hore.
Mahir Khalid Rizik, oo 25 jir ah horeyna uga tirsanaa Alshabaab, ayaa la shaaciyay inuu ahaa ismiidaamiyihii weerarkii Dusit, ee magaalada Naiyrobi. Magaalada Bombasa ayaa lagu xiray xaaskiisa iyo Aabihiis, iyadoo la weydiinayo su’aalo.
 
Ms Violet Kemunto, oo ahayd xaaska Ali Salim Gichunge oo ahaa raggii weerarka fuliyay ayuu booliisku shaaciyay sawirkeeda. waxaana la sheegay inay kamid ahayd maalgaliyaasha weerarka, iyadoo ku sugnayd hotelka markii weerarku dhacayay.
Ms Violet Kemunto
 
Dhimashada weerarkaas ka dhashay ayaa sii korortay, iyadoo gaartay 21 qof. 
Booliiska Kenya ayaa lagu ammaanay sida uu u maareeyay weerarkaas, iyagoo badbaadiyay boqalaal qof oo argigixisadu doonaysay inay ku laayaan hotelka gudihiisa iyo muddo ka yar 24 saac oo ay kusoo afjareen weerarka.
Warbaahinta Kenya ayaa illaa iyo haatan si joogto ah u tebinaya saamaynta ka dhashay weerarkaas iyo xogaha ay bixinayaan hay’adaha amniga.
Puntlandi.com
 
<