Soomaalida itoobiya oo ka banaanbaxay Shacab Soomaaliyeed oo lagu xasuuqay Ismaamulka Canfarta ee Dalka Itoobiya

Dowlada Soomaalida Itoobiya waa iney ilaalisaa Amaanka iyo xuquuqda Soomaalida degan Ismaamulada Dariska ee Canfarta iyo Oromada.

Jigjiga (Itoobiya): Waxaa magaaladda Jigjiga iyo meelo kale oo kamid ah Ismaamulka Soomaalida itoobiya isagu soo baxay boqolaal dadweyne kuwaasoo ka banaanbaxay dhibka lagu hayo Soomaalida kunool dhulka hoostaga Ismaamulka Anfarta ee dalka Itoobiya.

Shacabka Soomaaliyeed in ee kuhool nool Maamulka Qawmiyadda canfar ayaa caburin iyo gumaad kala kulmay Ciidamadda Liyuu Police ee Maamulkaas. Ciidamaddaas Liyuu Police ee Ismaamulka Canfarta ayaa waxay dad badan kudileen Magaalooyinka Cadayti, cundhufo, Garba ciise.

Shacabka waxay aad uga caraysnaanayeen in Ciidamadda Federal oo ka agdhowaa meelaha dadka lagu laayey aysana waxba u qabanin dadkii dhibka loogaystay. Waxayna Ciidamada ugu baaqeen in ay dhowr Xuquuqda Aadanaha, Fuliyaana waajibaadka Dastuurka kaasoo amraya in Ciidamada Federalka ilaaliyaan Amniga dadweynaha.

Shacabka waxay ugu baaqeen Maamulka deegaanka Soomaalida iyo waliba shacabka Soomaaliyeed in ay caawimaad u fidiyaan Soomaalida lagu laayey ismaamulka Canfarta.

Ugu dambayntii, Shacabka banaanbaxayey waxay dawladda Federalka ka dalbadeen in ay ilaaliso Dastuurka, siddoo kalena gudi dhexdhexaada arinka u magacowdo si arinka xal looga gaaro.

Waxay ahayd Sanadkii 2014 oo dhul ay Soomaalidu leedahay la hoosgeeyey Ismaamulka Anfarta iyaggoon wax wadda tashi ah laga samaynin shacabkii u dhashay deegaan, Ciidamadda Liyuu police ee Ismaamulka anfarta ayaa bilaabay in dadka ka soo cayriyaan dhulka, walina majirto cid ka hadashay dhibaatadda shacabka lagu hayo.