Itoobiya oo beenisay in ciidan looga dilay weerar ka dhacay Bakool

Dowladda Ethiopia ayaa beenisay warar ay faafisay kooxda Alshababa oo ku saabsanaa in ay dileen ciidamo badan oo Itoobiyaan kadib weerar ka dhacay gobolka Baayee koonfurta Soomaaliya.

War murtiyeed kasoo baxay Ethiopia ayaa lagu sheegay inuu jiro weerar Shabaab kusoo qaadeen ciidanka Ethiopia, balse waxaa lagu beeniyay inuu habo yaraatee wax khasaare ah kasoo gaaray ciidankooda oo markuu weerarka dhacay ku sugnaa agagaarka Buur xakaba.

Kooxda Shabab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen 50 askari oo kamid ah ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom.

Puntlandi.com

<