(Dhegayso)+Sawirro) Ciidamada Amniga ee gobolka Bari oo fashiliyay Qarax ladhigay bartamaha Suuqa Bosaaso

Howlgal qorshaysn oo ay ciidamada amniga ka fuliyeen xalay magaalada Bosaaso ayaa waxaa lagu fashiliyay qarax weyn oo lagu rakibay bartamaha suuqa weyne ee magaalada  Bosaaso, oo ah meel ay dadku ku badanyihiin .

Qaraxan ayaa qorshihiisa waxa uu ahaa in la qarxiyo marka ay dadku isa soo buurtaan ,gaar ahaan xiliga ugu mashquulka badan suuqaa oo ay dadku adeegtaan  ,balse ciidamad amniga ayaa ka hortagay  oo fashiliyay qaraxan  ka hor intii uusan qarxin .

Qaraxa ayaa ahaa walxo budo ka samaysnaa oo laga soo buuxiyay daasan ,dabadeedna la soo moor gareeyay ,waxaan la dhigay meel isgoys ah oo ay dadku ku badan yihiin .

Ciidamada ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa nooca Mobailka laga hago .

Hadaba markii uu howlgalka soo dhamaaday  howlgalka ,waxaa Saxaafada lahadlay duqa degmada Bosaaso C/salaan Bashiir C/salaan iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays Dhedo .

Dhegayso.

Sawirro.

<