Deg Deg: Jubbaland oo shaacisey tirada ay Argagixisada Al-Shabaab uga dileen Weerarkii Baarsanguuni

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hortagtay weerar ay kusoo qaadeen Malleeshiyaadka Al-shabaab saldhiga ciidamada Jubbaland ee ffadhigoodu yahay Baarsanguuni.

Weerarkaan oo saaka galinkii hore  ay soo abaabuleen Malleshiyaadku  ayaa waxa ka hortagay isla markaana fashiliyey ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland

Malleeshiyaadka ayaa isku dayey inay xarunta kusoo galaan qaraxyo balse ciidamada oo ka war qabay weerarkaan isla markaana heegan ugu jirey sidii ay u fashilin lahayeen ayaa qarxiyey mid kamid ah gawaaaridii ay ugu talagaleen inay xerada ku galaan.

Cidamadu waxaa ay sidoo kale gacanta ku dhigeen gaari ay kasoo buuxiyen Malleeshiyaadka Alshabaab waxyaabaha qarxa kaas oo ay Nabadiidku ugu talagaleen inay ku burburiyaan buundada baarsanguuni oo dhawaan dowlad goboleedka Jubbaland ay dhistay burburkiii dalka kadib.

Waxaa hadda socda howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka iyadoo sido kale ciidamadu ay ku daba jiraan firxadka Malleeshiyaadkii weerarka soo qaaday kuwaas oo rabay inay dhibaato u geystaan shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan deegaanada waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Sarreeye guuto Aadan Goojaar Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa noo xaqiijiyey khasaaraha la gaarsiiyey Malleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in 52 kamid ah Malleeshiyaadka Al-shabaab lagu diley weerar dhanka cirka ah.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in 25 kalana lagu diley dagaalkii saakay ay kusoo qaadeen furumaha hore ee ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland ee Baar sanguuni.

Tirada guud ee dhimashada Argagixisada ayaa noqoneysa 77  waana khasaarihii ugu darnaa ee la gaarsiiyo Al-shabaab Muddooyin ka dib.

Puntlandi.com

<