Ciidanka Jubbaland oo xaqiijiyey iney cagta mariyeen Maleeshiyaadkii Al-shabaab ee soo weeraray Saldhiga Baar Sanguuni

Ciidamada Jubbaaland ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey iney dileen ku dhowaad 56 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shavaab kuwasoo saaka Aroortii weeraro nafti xoornimo ah kusoo qaaday Saldhiga Ciidanka Jubbaland ku leeyihiin tuulada Baar Sanguuni.

Ciidanka Jubbaland waxay sheegeen in weerarku ahaa mid ay Ciidanku durba ka war heleen ayna si wanaagsan isaga difaaceen.

Sargaal u hadlay Ciidanka ayaa sheegay in Ciidanka ku suggnaa taliskaas uu ahaa mid u tababaran iska caabinta weerarada gaadmada ah taasoo u sahashay iney durba soo afjaraan weerarka.

Sargaal kale oo la hadley mid ka mid ah Howlwadeenada Puntlandi.com wuxuu sheegay in ay jiraan maxaabiis nolol looga qabtay Al-shabaab iyo in Ciidanka ay ka dhinteen 7 Askari 14 na ay dhawac yihiin.

Puntlandi.com
Kismaayo