(Dhegayso) Xoolo dhaqato ku ceyroobay Abaartii Sima oo loo qaybiyay 2500 oo Neef oo Ari ah

Wasaarada xanaanada xoolaha ee dowladda Puntland ayaa 2500 oo neef oo Ari ah u qaybisay qoysas xoolo dhaqato ah oo ku ceyroobay  Abaartii Sima ee ka dhacday dalka Soomaaliya  .

 

Xoolahan ayay sheegtay wasaarada in dhamaantoodba laga talaalay cudurada ku dhaca xoolaha loona qaybiyay qosaskii loogu tala galay .

Xoolo dhaqatada ayaa ka soo baxay  dhamaan shuruudihii lagu xiray, oo ahaa in ay ahaayeen dad reer guuraa ah oo doonaya in ay dib ugu laabtaan noloshoodii hore ee miyiga ,waxaana loo balan qaaday dadkan in sadaxda bilood ee soo socota qoyskiiba la siin doono lacag cadaan ah oo dhan 177 doolar .

Xoolahan ayaa waxa ay isgu jiraan lab iyo dhadig.

Dadka  reer miyiga ah ee loo  qaybiyay  xoolahan ayaa waxa ay kala joogaan deegaanada kala ah  Abaarey ,Birta Dheer , Kalabayr ,Ceel Wacaysle iyo Salaxley .

Dhegayso.

<