Al-shabaab oo gobolka Bakool ka bilaabay Afduubashada Caruuta dhigatay Dugsi Qu,aanka

Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa degmada Ceel-Garas ee gobolka Bokool waxa ay ka Afduubteen Caruur ay da,dooda  udhaxayso 14 ilaa 20 sano jir.

 

Sababta ay Al-shabaab u afduubteen Caruurtan ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u askarayn lahaayeen ugana bar bar dagaalami lahaayeen iyagoo ka dhaa dhicinaya fikirka qaldan ee Jihaadka ah.

Awooda Al-shabaab ayaa hoose udhacday labadii sano ee aynu soo dhaafnay , waxayna sheegaan  dadka quburada ku ah amniga in ay arinta ay sabab utahay duqaymaha ay  Mareykanka ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya .

Sababta kale ee keenta in ay awoodooda ay daciifto ayaa ah, dhaqaale yari soo wajahday iyo dhalinyaradii ka bar bar dagaalamaysay oo ka daalay fikirka qaldan ee Al-shabaab .

 

Maamulka koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku daba joogaan Caruuta ay AL-shabaab ka afduubteen deegaanka .

Maha markii ugu horaysay oo ay Al-shabaab ka afduubtaan deegaano hoose yimaada gobolka Bakool Ardayda dhigatay dugsiyada Qur,aanka .

Dahnka kale ciidamo katirsan kuwa Itoobiya iyo Argagixisada Al-shabaab  ayaa maanta waxa uu  dagaal xoogan uu ku dhax maray inta u dhaxaysa magaalada Baydhabo iyo deegaanka Buurhakaba ee gobolka Bay ,dagaalkaas oo ka dhashay khasaare dhimasho dhaawacba .

 

Al-shabaab ayaa bartooda internedka ku soo qoray in dagaalkan ay ku dileen 40 askari oo katirsanaa ciidamada Itoobiya .

 

 

<