Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare oo soo bandhigay dhaqaalihii soo gaaray.

Guddiga dhismaha garoonka kubada cagta Mirre Awaare ee Garowe, ayaa maanta soo bandhigay dhaqaalihii soo galay tan iyo markii guddigas la magacaabay sanadkii hore.

Guddigu waxay soo bandhigeen lacag  ka badan $180,000, taasoo la qorsheynayo in lagu bilaabidoono wajiga koowaad ee dhismaha garoonka Mire Awaare.

Inkastoo guddiga laga filayay lacag intaan ka badan, hadana waxay sheegeen inayan waxba ka fulin yabooh lacageed oo ay balanqaadeen shakhsiyaad reer Puntland ah oo ay ku jireen murashixiin iyo ganacsato.

Guddiga waxay sheegeen lacagtaan ay hayaan inay inta ugu badan tahay lacagtii ka timid dowladda federalka ee dhamayd boqol iyo kontonka kun ee dollar.

Garoonka Mire Awaare ayaa u baahan lacag ka badan nus milyan dollar si looga dhigo garoon casri ah.

Puntlandi.com

 

 

 

<