(Dhegayso) Warbixin:- Ceel biyoodkii degmada Xumbays ee gobolka Bari oo ciladoobay iyo dadka oo halis ugu jira in ay haraad u dhintaan

Gudoomiyaha degmada Xumbays ee gobolka bari  Axmed  Yuusuf Cismaan oo maanta  la soo xiriiray warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa uu sheegay in ay cilad kutimid Ceel biyoodkii degmada oo ay ka cabijirtay .

Ceelkan ayaa degmada waxaa laga hirgaliyay  sanadkii 2012kii , kaas oo shaqaynayay mudo shan sano ah ,waxaana Ceelkan  ka cabi jiray qoyays gaaraya ilaa iyo  dhowr  kun oo qoys  .

 

Dadka iyo duunyada ayuu  sheegay gudoomiyaha  in ay halis ugu sugan yihiin in ay haraad udhintaan waxayna biyaha u doontaan dadka Tuulada Qotan oo qiyaastii ujrita Xumbays 94kmtr.

Halkan ka dhegayso, warbixinta uu ka diyaariyay wariyaha Puntlandi.com ee Bosaaso.

 

 

 

<