
Dowladda Qatar ayaa maanta gaadiidka nooca gaashaaman ee dagaalka waxa ay ku wareejisay xukuumada ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre .
Gaadiidkaas maanta la wareejiyay ayaa gaarayay ilaa iyo 68 xabo oo ah nooca dagaalka .
Qatar ayaa xiriir dhaw la leh dowladda Soomaaliya ,lamana oga in gaadiidkan wax laga siin doono maaamul goboleedyada dalka Soomaaliya oo ay xulkuumada magacooda iyo matalaadaba ay caalamka kaga soo qaadato deeqaha loogu talagalay ,maadaama Puntland , Jublanad iyo Galmudug ay la dagaalamaan Argagixisada Al-shabaab .
Imaaraadka ayaa sanadkii 217kii daba yaaqadiisi xiray guud ahaanba xeradii milatari ee uu ku lahaa magaalada Muqdisho , waxaan ay joojiyeen dhaqaalihii iyo Taba barkii ay siin jireen ciidamada dowladda Soomaaliya .
Halkan ka dhegayso , wasiirka Gaashaan dhiga Soomaaliya .
Sawiro.