(Dhegayso) Degmada Burtinle oo laga hirgaliyay mashruuca iftiiminta nalalka cad ceeda ku shaqeeya

Maamulka degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxa ay kormeer shaqo ku tageen qaar kamid ah xaafadaha magaalada Burtinle oo laga hirgaliyay mashruuca nalalka ku shaqeeya cad ceeda  kaas oo ahaa wajigiisii labaab oo degmada laha hir galiyo .

Gudoomiyaha degmada Burtinle Maxamed Maxamuud  Buurdibi ayaa sheegay in mashruucan qorshihisu uu haan in magaalada lagaliyo 116 xabo oo  nalalkan cad ceeda ku shaqeeya  si ay dadka uga faa,iidaystaan .

Mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday Haya,da SFF ,wasaarada maaliyada Soomaaliya, iyo Bangiga aduunka .

Dadweynaha ku dhaqan degmada Burtinle ayaa aad usoo dhaweeyay mashruucan, iyagoona sheegay in ay uga raysteen mugdigii badnaa ee xaafadaha ka jiray .

Taliyaha qaybta Booliska ee degmada Burtinle ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in nalalkan ay ka qayb qaadanayaan ka hortaga falalka amni darada ah .

 

Dhegayso.

 

<