Madaxweyne Uhuru Kenyatta.” Howlgalkii Dusit waa lasoo afjaray, argigixisadiina waanu laynay

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in lasoo afjaray howlgalka weerarkii lagu qaaday hotelka Dusit ee xaafada Riverside Drive. ee magaalada Nairobi kaasoo ay ku dhinteen 14 qof.

Madaxweyne Uhuru oo qudbad jeediyay, ayaa sheegay in howgalku soo afjarmay 9.30am subaxnimo ee saakay.

Waa madaxweynuhu sheegay in la laayay dhammaan argigixisadii weerarka qaaday.

700 qof oo shacab ah oo ku sugnaa gudaha hotelka ayaa laga badbaadiyay weerarkaan, kadib markii ciidamada amnigu ka daad gureeyeen goob ay ku go’doonsanaayeen.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee madaxweynaha.

<