Madaxweynaha dowladda Puntland oo amar culus soo saaray.

????????????????????????????????????

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa golaha wasiiradda ee xukuumadii hore ka joojiyay inay galaan wax heshiisyo ah, illaa iyo inta lagasoo dhisayo xukuumad cusub.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sheegay golahaas wasiiradda inay yihiin sii hayayaal lana xadiday dhaqdhaqaaqooda iyo xilliga kala guurka geli karaan wax heshiis ah ama la macaamil.

Waxaa kale oo madaxweynuhu sheegay inaan cidina loo qaadan karin, loo shaqaaleysiin karin loona dalacsiin karin hay’adaha dowladda in laga gudbayo marxalada kala guurka.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo hakiyay heshiisyada xukuumadii hore kula jirtay, dowladda federalka, hay’addaha qaramada Midoobay iyo ururada maxaliga ah.

Halkaan hoose ka akhriso amarka madaxweynaha.

<