(VIDEO) Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo u safray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Karaash ayaa maanta  u safray magaalada Baydhabo, iyagoo halkaas uga qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha koonfur galbeed.

Wafdiga madaxweyne ku xigeenka waxaa kamida guddoomiyaaha barlamaanka Puntland, Cabdixakin Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo xildhibaano katirsan barlamaanka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay ayideen casuumaad uga timid koonfur galbeed, iyagoo tixgalinaya xurmada iyo wada shaqaynta ka dhaxeysa dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Halkaan ka daawo muuqaalka.

 

 

 

<