(SAWIRRO) Alshabaab oo sheegtay weerarka ka socda hotel kuyaala Nairobi.

Kooxda Alshabab ayaa sheegayay masuuliyada weerar isugu jira qaraxyo iyo toogasho oo haatan ka socday hotel kuyaala degmada Westland ee magaalada Nairobi.

Weerarkaan oo aan weli kala cadayn khasaaraha ka dhashay, ayaa dabley hubaysan waxay gudaha u galeen hotelka Dustin oo la aaminsan yahay inay xafiisyo ku lahaayeen hay’addo reer galbeed ah.

Dowladda Kenya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin weerarkaan, inkastoo ciidamadeedu wadaan ay wadaan howlgal xoogan oo lagusoo afjarayo kooxda weerarka geysatay.

Wakaalada wararka ayaa qoraya in dableyda hubaysan ayaa toogasho ka geysteen gudaha hotelka, iyadoo adag tahay in macluumaad dheeraad ah laga helo weerarkaan.

Warbaahinta Kenya ayaa si toos ah utebinaysa weerarkaan.

 

<