Kenya oo mamnuucday in la faafiyo sawirrada iyo muuqaalada weerarkii Nairobi ka dhacay

Dowladda Kenya ayaa mamnuucday ugana digtay shacabkeefa in la faafiyo oo Internetka la galiyo sawiradda iyo muuqaalada weerarkii argigixiso ee ka dhacay Nairobi, kaasoo ay ku dhinteen 6 ruux iyo dhaawaca 30 kale.

Kadib markii dabley hubaysan oo Shabaab katirsan ay gudaha u galeen hotel iyo xarumo kale oo kuyaala xaafada Riverside Westland iyagoo adeegsanayay qaraxyo iyo rasaas.

Taliyaha ciidanka Booliiska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay shacabka Kenya in cabsi aan loo baahnayn ay ku abuurayaan sawiradda weerarka Argigixisada.

Taliyaha ayaa tilmaamay faafinta sawiradda nuucaan oo kale ah inay guul u tahay argigixasada oo ka gaaraysa ujeedadii ay ka lahaayeen weerarka.

Puntlandi.com