Ilaalada Shirkadaha Golis iyo ENEEYE oo Bosaaso isku rasaa seeyay ,hadaba maxaytahay sababta ? Akhriso

Isra saaseen kooban oo socotay mudo 10 daqiiqo ah ayaa magaalada Bosaaso  waxa ay ku dhex martay ilaalada shirkadaha  kala ah Golis iyo  wakaalada xooga  korontada ee Eeneeye Bosaaso  .

 

Inata laxaqiijiyay 4 qof ayaa ku dhaawacmay oo laba kamid ah ay yihiin  ilaaladii shirkadahan , halka labada kalena  ay yihiin dad shacba ah oo ay xabadu ugu tagtay guryahooda .

 

Dagaalkan ayaa waxaa la shegay in ay sabab utahay isqab qabsi koronto galinta magaalada oo ka dhexeeyay labada shirkadood ,waxaan horay ujirtay ismaan dhaaf aan gaysan gacan kahadal  oo shirkadan dhex maray .

Shirkada Golis ayaa bilowday koronto galinta magaalada Bosaaso qaybo kamid ah ,halka shirkada Eneyena ay ku andacoonayso in aan loo so dhawaan karin halka ay ka taagan yihiin baale yaashoda .

Gudoomiyaha gobolka bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo , duqa degmada Bosaaso C/salaan Bashiir C/salaan iyo Taliye kuxigenka qybta Booliska gobolka bari Axmed Jaraale ayaa gaaray  gobtii ay shaqaa qadu ka dhacday  ,waxayna xabsiga dhigeen mas,uuliyiinta labada shirkadoodo.

 

Dahacdadan ayaa ah mid ugub ku ah magaalada Bosaaso ,waxaana horay looga baran iska horimaad dhex mara ilaada shirkadaha gaarka loo leyahay ,marka laga yimaado cidamada dowladda.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo taliska qeybta ee Booliska gobolka Bari.

Sawiiro.

Puntlandi.com Bosaaso.

<