BREAKIMG NEWS: Qaraxyo iyo toogasho ka socota hotel kuyaala Nairobi

Qarax iyo toogasho ayaa lagasoo werinayaa magaalaa Nairobi gaar ahaan degmada Westlands.
Ciidamada ammaanka ayaa loo daad gureeyay xaafadaan, iyadoo loo maleynayo in weerar lagu qaaday hotel halkaas kuyaala oo lagu magacaabo Dusit Hotel.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in koox aan la garanayn ay soo weerareen meelo hotelka.
Waxaa goobta lagu arkayaa saddex gaari oo gubanaya.

Qof gudaha dhismaha ku jira ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay inuu dagaal ku socdo, waxaana halkaasi lagu arkay ciidamada gaarka ah Kenya. Waxaa  laga cabsi qabo in dabley hubeysan ay gudaha ka wadaan toogasho.

Degmada Westlands ayaa waxaa ku badan dadka reer galbeedka, Weli lama oga khasaaraha ka dhashay, booliiska ayaa iskudaya inay soo badbaadiyaan dadka gudaha ku cakiran.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, sanad guuradii saddexaad ee kasoo wareegatay weerarkii Ceelcadde.

<