(SAWIRRO+Warbixin) Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland oo maanta xilkiisii la wareegay

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, ayaa maanta si rasmi xilkoodii ugala wareegay madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisii, Cabdixakiin Cumar Camey.

Madaxweyne Gaas ayaa madaxweynaha cusub ku wareejiyay dhamaman dukumentiyada ay dowladdiisii hore ku shaqeynaysay, iyagoo ku kala guddoomay xaflad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta madaxtootada.

Dr. Cabdiweli Gaas, ayaa madaxweynaha cusub ku wareejiyay mashaariic ay kamid yihiin, balaarinta iyo casriyaynta dekeda Bosaso, Wadada Ceeldaahir/Ceeriaabo, mashruuca dhismaha dekeda Garacad, wadada Garowe/Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo isugu jiray dhismayaal xarumo dowladdeed iyo kuwa adeegyo bulsho.

Madaxweynihii hore wuxuu balanqaaday inuu la shaqeyndoono oo uu garab istaagnaandoono madaxweynaha cusub, waxaana uu ugu dambayn uu cafis weydiistay shacabka Puntland iyo cid kasta oo wax ka tabanaysay.

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Deni ayaa u mahad celiyay madaxdii ka horeysay, isagoo qiray in madaxweynihii hore iyo dowladdiisa wax badan badan qabteen islamarkaana aysan ka maarmin qibradoodii maamul iyo siyaasadeed, Madaxweyne Deni ayaa faray ciidamada qalabka sida inay ilaaliyaan kala dambaynta ayna gutaan waajibaadkooda ka saaran masuuliyada amni ee Puntland kana feejignaadaan qataraha cadowga Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu balanqaaday howlaha ugu horeeya ee uu qabandoono inay ahaandoonaan wax ka qabashada dhinaca maaliyadda, isagoo hoosta ka xariiqay qarashka ugu horeeya ee ka baxaya wasaaradda maaliyada inuu noqondoono bixinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.

Waxaa madaxweynuhu balanqaaday inuu qaadidoono tilaabooyin lagu ilaalinayo sharciga, wuxuu sheegay inuu soo dhamaaday xillihii dulqaadka. Waxaa madaxweynuhu sheegay in madaxdii hore dulqaad ku maamulayeen Puntland, taasoo keentay in ay eedo badan ay dhaxlaan

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com