Hoos udhac ku yimid Sarifka qalaad ee suuqyada Garowe.

Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa laga dareemayay Labadii maalin ee la soo dhaafay, kadib doorashadii madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni, hoos udhac ku yimid lacagaha doolarka Maraykanka ah.

Axmed Xuseen oo kamida ganacsatada Sarifleyda ayaa sheegay in lacagta dollarka ay hoos u dhacday isagoo sheegay Sarifka in uu marayo gacanta hore saddex milyan, halka uu gacanta dambe uu marayo saddex malyan iyo boqol.

Halkii dollar ayaa lagu sarifayaa sodon kow oo shilin Soomaali ah.

Lama oga sababta ka dambeysa hoos udhacaan oo sidoo kale laga dareemay qaar kamid ah magaalooyinka Puntlland. Magaalada Bosaso ayaa sidaan oo kale sarifku marayaa qiimaha Garowe.

Warsidaha Puntlandi oo raadiyay macluumaad ku saabsan hoos u dhacaan, ayaa ogaaday in labo arrimood sababtood ay ugu wacan tahay hoos udhaca dollar, tan koowaad waxay tahay in dowladdu xirtay bangiga laga joojiyay sarifka dollarka, waxaana taasi ay keentay in lacagihii dollarka suuqa laga sarifanayo.

Arrinta labaad waxay tahay lacagihii badnaa ee murashixiintu ku bixiyeen doorashadii madaxweynaha inay suuqa soo gashay islamarkaana uu halkaas shilin Soomaaligii qiimo ku yeesho.

Hoos udhaca dollarku wuxuu faa’ido badan u yahay shacabka, kuwaas oo aad ugu dhiibanaa sicir bararka ka dhashay sarifka dollarka iyo hoos udhaca shilinka Soomaaliga.

Dollarka ayaa markii hore marayay, saddex malyuun iyo shan boqol oo lagu sarifayay boqolkii dollar.

Puntlandi.com 

 

 

 

 

 

 

<