
Magaalada Bosaaso waxaa maalmihii udambeeyay qaati laga taagnaa dhalinyaro maalin iyo habeen dadka Mobilada ka furata ,iyagoona dil iyo dhaba ka gaysta bartamaha suuqa iyo xaafadaha dhexdooda .
Gudoomiyaha gobolka bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa wacad ku maray in dhalinyaradan ay ka qaadi doonaan talaabo adag cidii lagu qabto falkaasina loo dhaa dhicin doono xabsiyada kale ee ka baxsan magaalada Bosaaso .
Waxa uu waalidiinta dhashay dhalinyaradan Mobilada furata uu faray in aysan ka daba iman ,maadaam ay ceshan waayeen .
Dhalinyaradan wax furata ayaa ka soo jeedaan qoysaska ugu ladan magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland .
Halkan ka dhegayso , Waraysiga gudoomiyaha uu siyay Puntlandi.com .