Madaxweyne Deni oo kulan la leh masuuliyiinta wasaaradda maaliyadda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi deni iyo Madaxweyne kuxigeen Axmed Cilmi Cismaan ayaa kulan la yeeshay madaxda wasaaradda Maaliyadda ee dawladda.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynuhu amar kusoo rogay wasiirka maaliyadda, kaasoo ahaa inaan wax lacag ah laga saari karin bangiga dowladda iyo akoonada dowladdu ku leedahay bangiyada gaarka looleeyahay.

Warar uu helay Puntlandi ayaa sheegay in madaxweynuhu kala hadlayo wasiirka maaliyadda arrimo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee Puntland iyo ilaalinta hantida dowladda.

SAWIRKA SHIRKA.

Puntlandi.com