(Dhegayso) Xukuumad noocee ah ayaa laga filan karaa Madaxweyne Deni in uu soo magacaabo ?

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu xilka kala wareego Madaxweynihii hore ee Puntland C/wali Cali Gaas,iyadoo ay socoto qaban qaadaba xil wareejinta.

Deni ayaa la filayaa sidookale in uu mudo saddex todobaad gudahood uu ku soo dhiso golihiisa wasiirada oo la filayo in xubnihii hore ay qaar kood soo noqdaan.

 

Magaalada Garoowe waxaa ka socda kulamo wada tashi ah oo uu madaxweynaha cusub uu la yeelano qaybaha kala duwan ee bushada Puntland.

Halkan ka dhegayso aragtida dadweynaha Bosaaso oo uu Puntlandi.com wax ka waydiiyay waxa laga filan karo madaxweyne Deni .