(Dhegayso) Guddoomiye kuxigeenkii guddiga doorashada Soomaaliya oo ka hadlay xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyay

Guddoomiye kuxigeenkii guddiga  doorashada ee dowaldda fadaraalka Soomaaliya  Sayid Cali ayaa sharci daro ku tilmaamay war qad la sheegay in xilka looga qaaday , taas oo ay soo saartay Guddoomiyaha guddiga Xaliimo Yarey ,kadib shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho.

 

waxa uu sheegay in eeda ah in uu ku tuntay sharcigii guddiga ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn  isagoo intaasi ku daray in mudadii saddax da sano ahayd ee uu guddiga jiray Guddoomiyaha guddiga ay ku kacday eex iyo  musuq maasuq.

Waxa uu sheegay in Golaha shacabka uu hor gayn doono eedeemahan iyo cadaymo badan oo uu hayo .

Dhegayso.