(Dhegayso) Dab khasaare gaystay oo ka kacay Suuqa Bakaaraha

Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxay saa  Dab khasaare dhaliyay oo  xalay  ka kacay Suuqa ugu wayn ee Soomaaliya ee Bakaaraha  .

Dabkan ayaa gubay qaybta bacadlaha ee dharka ,waxaana lagu soo waramayaa in ganacsato farabadan ay ku hanti beleen.

Maamulka gobolka banaadir ayaa sheegay in ay dabkaasi xakameeyeen, waxaana  dabkan ku basa bee;ay ilaa iyo boqolaal Dukaan .

Majirto ilaa iyo hada cid xaqiijisay dabkan iyo waxa dhaliyay ,balse ma aha markii ugu horaysay oo uu dab qabsado suuqa Bakaaraha , balse waxaan jirin wax qorshe ah oo ay dowlada Farmaajo kaleedahay  ganacsatada  mar kasta  ku hanti beelaha  dababkan soo laab laabtay .

In ladamiyo dabkan ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo mudo kusiman sadax saacadood ,sida uu Puntlandi.com u xaqiijiyay mid kamid ah ganacsatada suuqa oo hantidiisa ku waayay dabkaasi .

Halkan ka dhegayso ganacsatadii ku hanti beeshay dabkan .

Puntlandi.com Bosaaso .