Aqalka Sare oo soo xiray Kalfadhigiisii 4aad eedeena ujeediyay Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibanaada Aqalka Sare ayaa maanta waxaa u soo xirmay kalfadhigii 4aad ee golaha Aqalka Sare  waxaana  Kalfadhigan lagu soo xiray warqad ka soo baxday xafiiska gudoomiye Xaashi.

 

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xiritaanka kalfadiga 4aad uu waafaq sanyahay dastuurka dalka qodobadiisa 74aad iyo 23aad .

Xiritaanka kalfadhigan ayaa ku soo beegmay iyadoo uu khilaaf uu ka dhexeeyo labada Gole ee sharci dagjinta dalka oo kala ah Aqalka hoose iyo midka Sare .

Xidhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa daba yaaqadii sanadkii tagay ku eedeeyay Aqalka hoose in ay maroor sadeen awoodii dalka ee sharci dajinta ,iyagoona warqad dacwad ah u qoray Madaxweyne Farmaajo .