(SAWIRRO) Agaasimaha isbitaalka Garowe oo maanta xilkiisii ku wareejiyay agaasimaha cusub ee lasoo magacaabay

Agaasimihii isbitaalka guud ee Garowe, Dr, Cabdisamad Axmed Jaamac ayaa maanta xilkiisii ku wareejiyay agaasimaha cusub isbitaalka loosoo magacaabay. Xaflad wareejin ah oo ka dhacday isbitaalka, ayaa waxa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socday wasaaradda caafimaadka, maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Garowe.

Dr. Cabdisamad Axmed Jaamac ayaa sheegay inuu shaqada uga tagay sidii uu aqoontiisa xaga caafimaadka usii kororsan lahaa. Waxaa uu u mahad celiyay dadkii lasoo shaqeeyay oo ay ugu horeeyaan shaqaalaha isbitaalka Garowe, isagoo ku ammaanay inay yihiin shaqaale howl kar ah, daacad ah iskuna duuban.

Wuxuu wasaaradda caafimaadka kula dardaarmay in la caawiyo oo lala shaqeeyo maamulka cusub. Waxaa kale oo uu sheegay inuu aqoontiisa dib ugusoo celindoono isbitaalka.

Agaasimaha cusub isbitaalka Garowe, Maxamed Xaamud Gacal, ayaa shacabka ka codsaday inay isbitaalkooda garab istaagaan una hiiliyaan sidii isbitaalku unoqon lahaa mid buuxiya kaalintii looga baahnaa. Wuxuu balanqaaday inuu ahaandoono nin isku wadidoona dadka la shaqeeya una dhego nuglaada dhaliisha iyo dhiiri galinta.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa ku ammaantay agaasimihii hore inuu ahaa masuul meel wanaagsan soo gaarsiyay isbitaalka. waxay uga mahad celiyeen dulqaadkiisii iyo dhabar adayga uu usoo maray shaqadaan.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com