Madaxweyne Deni oo maanta kulan la qaadanayo murashixiintii doorashada Puntland iyo Isimada

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Dr, Siciid Cadulaahi Deni, ayaa maanta qado sharaf u sameynaya murashixiintii madaxtinimada Puntland, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan madaxdii hore ee dowladda Puntland iyo Isimada Puntland.

Qado sharafta oo ka dhacaysa degaanka Dareyle, ayaa madaxweynaha dowladda Puntland ugu talo galay in la isku saamaxo oo lagu kala qaato wixii talooyin ah oo lagu biirinayo dhismaha xukuumadiisa.

Puntlandi.com