Dowlada Federaalka oo wajahday Xaalad Dublamaasiyadeed ka dib masaafurintii Ergayga Qaramada Midoobey, W Difaaca UK oo la ogaaday sababtuu Hargaysa u tagay

Saxaafada Ingiriiska ayaa daabacday Siyaasada ka dambeysay Safarkii Deg dega ahaa ee uu Wasiirka Difaaca UK Gavin Williamson uu ku tagay Hargaysa todobaadkaan.

Wargayska Independen ayaa qoray in Soomaaliya ay faraha la gashay Xiisad adag oo Dublamaasiyadeed ka dib markay eryeen Wakiilkii Xoghayaha Qaramada Midopbey Soomaaliya wakiilka uga ahaa.

Waxay kaloo sheegeen in Wasiirka Difaaca UK uu baajiyey safar uu ku tagi lahaa Muqdiaho kasoo mar hore la qorsheeyey,
uuna la kulmi lahaa Madaxdeyne Farmaajo iyo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, laakiin hada safarkaas waxaa loo weeciyey Soomaaliland.

Wasiirka Difaaca UK Gavin Williamson wuxuu ka degay Hargeysa wuxuuna la kulmay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo dhamaan Golihiisa Wasiirada, Safarka Gavin Williamson ma ahayn booqasho wasiir Gaashaan dhig ee wuxuu ahaa booqasho rasmi ah oo Wasiir kumatalaya Bpqortooyada UK oo dhan.

Arintaan ayaa jawaab deg dega waxay u ahayd eryidii ay Villa Soomaaliya erida Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Wargaysku wuxuu kaloo raaciyay in talaabadaan ay London qaaday ay bilow u tahay, ayna Muqdisho kusoo wajahan tahay Xaalad Dublamasiyadeed oo baaxsan.

Safarka Wasiirka Difaaca uu ka tagay Hargeysa ayuu saacad kadib safarkiisa wuxuu Twitterkiisa kusoo qoray hadalo muujinaya inuu la kulmay Dowlad ay Dowladiisa saaxiib yihiin.

Dowlada Federaalku kama aysan hadlin Safarka Wasiirka Ingiriisku uu ku tagay Hargeyso sababtoo ah waxay ogaadeen in Xaaladu faraha ka baxdey.

Aqoonyahan Soomaali ah oo ka faalooda arimaha Dibada Soomaaliya ayaa yiri ” Talabaaday at qaadey Dowlada Federaalku waxay ahayd jar iska xoornimo Ka fog Dublamaasiyada,kama aysan ka fakarin talaabaada ay qaadayaan Dhibka ay keeni doonto iyo saameynta ay ku yeelanayso Soomaaliya.

Jarmalka ayaa lagusoo waramayaa in ay iyana ka caroodeen Eryida ergayga gaarka ah iyo talabaadii ay Xukuumada Federaalku ay ku fara galiyeen Doorashadii Koonfurgalbeed.

Puntlandi.com
London