(Akhriso) Qaban qaabada Xaflada caleemo saarka Madaweynaha oo Garoowe ka socota

Magaalada Garoowe waxaa si aad ah loohga dareemayaa qaban qaabada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland D.r Siciid C/laahi Deni iyo kuxigeenkiisa .

 

Sida uu warsidaha Puntlandi.com uu wararka ku helay waxaa la magacaabi doonaa saacadaha soo socda  guddigii qaban qaabada xaflada caleema saarka madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni  iyadoo xaflada kadibna uu madaxweynuhu uu sirasmi ah uu xilka ugala wareegi doono madaxweynihii hore ee dowladda Puntland C/wali Gaas .

 

 

 

Caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa sidokale waxaa ka so qayb gali doonta wafuud caalami ah oo ka  kala socota daafaha caalmka iyo wadamada dariska la ah Puntland .

 

Amaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay , waxaan si caadi ah ku soo laabtay dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha oo laxanibay intii ay doorashada socotay .