(Akhriso) Maxaa ka jira in UK ay Soomaaliland u soo magacawday ergay gaar ,kaas oo ku shqayn doona Addis Ababa ?

Maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa sheegay in dowladda Ingirisa ay safiir cusub u soo magacawday magaalada Hargaisa  , kaas oo saldhigiisu noqon doona magaalada Adis -Ababa  ee caasimada Itoobiya .

Arintan ayaa waxaa warbaahinta u xaqijiyay wasiirka warfaafinka maamulka Soomaaliland C/raxmaan Guri Barwaaqo .

Dhanka kale majirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Ingiriiska oo lagu xaqiijinayo Safiirkan cusub ee Soomalailand loo soo magacaabay ,marka laga yimaado sheegashada wasiirka .

Arintan ayaa hadii ay dhab noqoto waxa ay ka dhigan tahay in maamulkaasi loo qoonsan yahay in uu ka madax banaan yahay Soomaaliya inteeda kale , taas oo dhabar jab ku ah dowladda ka talisa Muqdisho  oo ay madaxda uyihiin Farmaajo iyo Kheyre.